Topnews:Duqeyn xoogan oo lagu beegsaday Al-shabaabka inta u dhaxeysa Jilib iyo Kamsuuma

165

Idalenews:Duqeyntan ayaa la sheegay in xalay saqdii dhexe ay dhacday, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan inay ka dhacda tuulo lagu magacaabo Sheekh Axmed Yare oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Waxaa la sheegayaa inuu jiro khasaare ka dhashay duqeyntan, hase ahaatee si rasmi ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeyntan loo maleynayo inay fulisay diyaaradaha aanay cidna wadin ee Drone loo yaqaano.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa kordhay weerarada duqeymaha ee lala bartilmaameedsanayo Al-Shabaab, iyadoo todobaadkii hore aheyd markii duqeyn ka dhacday duleedka Muqdisho la sheegay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

You might also like More from author

Comments are closed.