Raa’isal Wasaare Itoobiya oo hadalo aan looga baran ku weeraray Saraakiisha Amisom, kuna goodiyay inay Ciidankooda ka soo saarayaan Somaliya

41

Itoobiya

Raa’isal Wasaaraha Xukuumada Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa wuxuu maanta uu ku goodiyay inay si deg deg ah ay Ciidamadooda ugala soo baxayaan Somaliya.

Raa’isal Wasaaraha ayaa wuxuu dhaliil uu u jeediyay Saraakiisha Midowga Afrika ee Amisom, wuxuuna ku dhaliilay inay ka soo bixi la’yihiin wixii lagu wada balamay.

Wuxuu sheegay in leesku ogaa in goobaha Ciidamada Itoobiya ay kala wareegeen Ururka Al Shabaab, in la geyn doono Ciidamada Midowga Afrika ka socda, balse wuxuu sheegay inaysan weli taasi wax horumar leh ka sameyn.

Raa’isal Wasaaraha ayaa wuxuu ku goodiyay in xilligaan tallaabada ay qaadayaan ay tahay, sidii Ciidamada Dowladda Itoobiya looga soo saari lahaa, goobaha ay kaga sugan yihiin Somaliya.

Hailemariam Desalegn ayaa wuxuu tilmaamay in Cidiamada Dowladda Itoobiya la keeni doono Xuduudaha Itoobiya, si ay u suggaan una xaqiijiyaan ammaanka dalka Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay bishii hore ay isaga baxeyn Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, waxaana saacado kadib la wareegtay kooxda Al Shabaab.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.