Mahadaay :Nabadoon lagu dilay duleedka degmada

139

Idalenews:Wararka naga soo gaaraayo ayaa sheegayaa in Nabadoon lagu magacaabi jiray Xasan Aweys Alla-Yaqaan in lagu dilay dagmadaas

Nabadoonka ayaa la dilay, isagoo ka yimid beer uu ku lahaa deegaankaas, kuna soo jeeday deegaanka Buurane.

Wararka ayaa sheegaya in nin ku hubeysnaa qoriga AK47 uu dilay nabadoonka, dabadeedna uu ka qaatay mooto uu watay.

Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu u baxsaday deegaanada dhaca galbeedka Shabeellaha Dhexe, oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Halka lagu dilay Nabadoonka ayaa ku dhoweyd saldhig Ciidamada AMISOM ay degenaayeen.

You might also like More from author

Comments are closed.