Deg deg:Sheek Mukhtaar Roobow oo sheegay inuu isaga baxay Al-Shabaab

144

Idalenews>Sheekh Mukhtaar Roobwo Cali Abuu Mansuur oo goor dhow dowladda Soomaaliya u soo bandhigtay Warbaahinta ayaa  si rasmi ah ugu dhawaaqay  inuu isaga baxay Al-Shabaab.

 

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotelka Royal Palace (EX City Palace), ayaa sheegay in Al-Shabaab uu ka baxay muddo 5 sano iyo todobo bilood, sababta uu uga baxayna ay tahay kala duwanaan fahan iyo khilaaf.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in mudadaas uu ku jiray duurka, isla markaana Al-Shabaab ku soo weerareen, ayna rabeen inay dilaan, iskana difaacay sida uu hadalka u dhigay

Waxaa uu uga mahad celiyay dowladda Soomaaliya iyo Saaxibada Beesha caalamka, kaalintii ay ku lahaayeen in heerkan wax soo gaaraan

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wada hadal u socdo dowladda Federaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu  marti ugu yahay magaalada Muqdisho.

Waxaa uu ka mahadceliyay sida dowladda iyo madaxdeeda ugu soo dhoweeyeen magaalada Muqdisho, waxaa uu tilmaamay inuu rajo ka qabo sidii nabad loogu gogol xaari lahaa.

Mukhtaar Roobow ayaa waxaa dhinaciisa surnaa Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaana la xusuustaa xilligii uu ka tirsanaa Al-Shabaab in dhinaciisa ka baban jiray Calanka madow.

Mukhtaar Roobow ayaa xilli soo noqday Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab, sidoo kale waxaa la sheegaa inuu mar ka mid noqday Amiir kuxigeenka Al-Shabaab

You might also like More from author

Comments are closed.