Dabley Hubeysan oo goor dhow dil iyo dhaawacya ka geystay Muqdisho

122

·Idalenews:-Dabley hubeysan oo gaari watay ayaa rasaas ku furay gaari kale oo ay saarnaayeen dad, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxay weerarkan.

 

Weerarka ayaa ka dhacay nawaaxiga Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan, iyadoo dableyda dilka geysatay ay ku baxsadeen gaadiidkii ay wateen.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga la rasaaseeyay ay saarnaayeen dad isku qoys ah, waxaana ku dhimatay saddex ruux, halka afar kalena ku dhaawacmeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka saarnaa gaariga la rasaaseeyay ay ka mid ahaayeen qoyska Ganacsade caan ah.

Ciidamada ammaanka ayaa baadigoobaya dableydii gaariga wadatay, waxaana la sheegayaa in gaarigan oo ahaa nooca Toyota Spacia, horay loogu geystay falal amni daro.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka, sidoo kale lama oga ujeedka loo bartilmaameedsaday gaariga ay saarnaayeen dad isku qoys ahaa.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

You might also like More from author

Comments are closed.