Germany oo ku baaqday in la sii wado Tababarka Ciiddamadda Dowladda Somalia

46

YYYYYYYY

Wasiiradda Difaaca ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe ayaa Kulan Khaas ah shalay ku yeeshay dalka Luxemberg, iyagoo ka wada hadlay Istaraatijiyadda Milliteri ee ay wax kaga qabanayaan Xiisadaha ka aloosan Qaaradda Afrika.

Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Germany, Thomas de Maiziere waxa uu halkaasi ku soo bandhigay Aragti ku boorinaysa Dowladaha EU-da inay cashar ku qaataan Hawlgalka dalka Afganistan.

Wasiirku waxa kaloo uu tilmaamay in loo baahan yahay inay Dowladaha Midowga Europe hindise uu soo jeediyey si loo sii wado Tababaradda la siinayo Ciiddamadda Dalalka Somalia iyo Mali, si goobaha dagalka horumar looga sameeyo.

Wasiirka, waxa uu ku nuuxnuuxsaday  inay tahay Tallaabo wanaagsan haddii ay Dowladdaha EU-da iskaashadaan dhinaca Siyaasadda Ammaanka.

“Waxaan haatan aragnaa inay jiraan xaalladdo badan oo ay Dowladaha EU-da horumar ka sameeyeen marka la eego Tababarka la siinayo Milliteriga dalalka Afrika” ayuu yiri Wasiirka, oo intaasi ku daray inay Tababaradaasi noqon karaan kuwo Talo-siin  ama Taageeridda Hawlgalladda.

Madaxa Guddiga Milliteriga ee Midowga Europe, General Patrick de Rousiers, ayaa soo dhaweeyey Hindisaha Germany, wuxuuna xusay inuu Hindisahaasi qeyb ka yahay Hindisayaal xilliyadda soo socdo loo adeegsan doono Hawlgalladda goobah dagaalladda.

Diplomaasi u hadlay EU-da, ayaa sheegay inuu Hindisahaasi yahay mid waxtar dhalin karo, isla markaana loo baahan yahay in la sii wado Taageeradda EU-da ee Tababaradda la siinayo dalalka Afrika ee ay Kooxaha Argagixisadda ka hawlgalaan.

Xigasho:- DPA.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.