Wefdi ka socda Dowladda Soomaliya oo Koonfur Afrika kula kulmay madax ka tirsan dalkaasi

160

Idalenenews:-Wefdigani oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka  Soomaaliya oo K/Afrika howlo shaqo u joogay ayaa la kulmay xubna matala Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda,waxeyna Wefdigaas ku qaateen K/Afrika khibradaha ay K/Afrika ka baratay xilliyadii gumeysiga iyo wakhtigii xoriyadda.

Wefdigaan oo maalmo ku sugnaa K/Afrika ayaa waxay booqdeen Wasaaradda Gaashaadhigga dhismo xusuus u ah midib takoorka,halkaasi oo ay ku keydsanyihiin taariikhda gumeystihii midab kala sooca,  iyagoo dhinaca kale booqday xaafadda Soomaalida ay ka degan tahay Johannseburg, lana kulmay qaar ka mid ah Soomaalida.

Wasiirkii hore Wasaaradda Gaashaandhiga ahna Guddoomiyaha Guddiga Difaaca,Xuseen Carab Ciise ayaa Warbaahinta u sheegay in ay waxyaabo badan oo muhiim ah ka barteen booqashada South Africa.

“Waxyaabaha aan halkaan ka baranay waxay ahayd inaan eegno iskudhafka Ciidamada madaama ay kasoo baxeen midib kalasooca una gudbeen dimiquraadiyad iyo wadashaqeynta caawinaada labada dal iyo inay naga caawin karto Hay”adaha Amminga iyo Dastuurka” ayuu yiri.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya,Sonkor Geelle ayaa isna Warbaahinta u sheegay in labada Dowladood ay kulamo kale ku kala saxiixan doonaan qodobo ay ka mid yihiin Amminga,Dhaqaalaha iyo arrimo kale oo muhiim ah

You might also like More from author

Comments are closed.