Burkina Faso: 17 ruux oo weerar maqaaxid lagu qaaday ku dhimatay

144

Idalenews:Koox Islaamiyiin ah ayaa looga shakisan yahay inay weerarkan fuliyeen, waxaana booliska ay sheegeen in illaa saddex nin oo hubeysan ay rasaas ku fureen dadkii maqaayada fadhiyay.

Illaa 17 ruux ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday Maqaayad Turkish ah oo ku taal Caasimada Burkina Faso, iyadoo weerarkan uu yahay kii labaad oo lagu qaado maqaayadaha caanka ah ee ay ajnabiga leeyihiin.

 

Dadka ku dhintay weerarkaas ayaa la rumeysan yahay inay dalal kala duwan u dhasheen, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha uu intaa ka bato.

Burkina Faso ayaa ka mid ah wadamada ku yaala Galbeedka Afrika, waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka, waxaa uu xuduud la wadaagaa dalka Mali, oo muddo dheer la dagaalamayay Kooxo Mintidiin Islaamiyiin ah.

You might also like More from author

Comments are closed.