M/Gobolka Banaadir oo ka hadlay qaabka loo qeybinayo shaqaaleysiinta 1,000 dhalinyaro

128

Idalenews:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in hab degmo ahaan lagu soo xuli doono dhalinyarada la shaqaaleysanayo, isla markaana wiil iyo gabdho loo sinnaan doono.

“Mudnaanta waxaa siineynaa qofka aqoon ahaan iyo karti ahaan ka soo bixi kara, laakiin labo ayaa aas aas noo ah, labadaas oo shuruud ah in wax kasta oo la bixinayo in hab degmo lagu saleeyo, in 17 degmo loo qeybiyo iyo in gabdho iyo wiilal ay u sinnaadaan”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa habeen ka hor sheegay in la shaqaaleysiinayo illaa 1,000 dhalinyaro ah, isagoo ka dhawaajiyay in tani ay fursad shaqo abuur u tahay dhalinyarada ku sugan Muqdisho.

Dhalinyarada ku nool Caasimada ayaa soo dhoweeyay tallaabadan lagu shaqaaleysiinayo, waxaana ay sheegeen inay tahay wax lagu farxo.

You might also like More from author

Comments are closed.