Wasaaradda arimaha dibadda Qatar oo cambaareysay qaraxii shalay ee xabsiga dhaxe

20

Idalenews-War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Qatar ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa oo shalay duhur ka dhacay masjidka ku yaala Xabsiga dhexe ee Xamar.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Qatar ayaa ku celcelinaysa sida ay ugu soo horjeedo isla markaana u diidan tahay rabshadaha gacan ka hadalka ah ee argagaxisada ku saleysan oo aan jirin wax sabab ah oo ka dambeeya.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale, sheegtay in ay gebi ahaan ka soo hor jeedo beegsiga goobaha cibaadada iyo in dadweynaha la cabsi geliyo, waxayna tacsi u dirtay dowladda Soomaaliya iyo qoysaska dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas.

You might also like More from author

Comments are closed.