Gabar Soomaaliyeed oo Wasiirka Arrimaha Dibada ka noqotey Xukuumada cusub ee Kenya

37

Ambassador-Amina-Mohamed

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay qeyb kamida golihiisa cusub ee wasiirada.Madaxweyne Uhuuru ayaa shaaciyay 4 wasiir oo ay kamid tahay gabadh soomaali ah.

Wasiirada la shaaciyay ayaa waxay kala yihiin

  1. Aamina Maxamed -Wasiirka Arimaha Dibada
  2. Henry K.Rotich – wasiirka maaliyada
  3. James Wainaina Macharia- wasiirka Caafimaadka
  4. Fred Matiangi-wasiirka warfaafinta, isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada

Wasiirada cusub ee  Arrimaha Dibada ee Kenya ayaa noqoneysa gabartii labaad ee ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha dega Somaliland  gaar ahaan Beesha Isaaq ee ku dhaqan dalka Kenya, waxaana xilkaas mid la mid ah Somalia ka haysta Fowsiya Xaaji Aadan oo ah wasiirada Arrimaha Dibada ee Somalia

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in 14ka wasiir ee  dhiman  dhawaan la soo dhameystiri doono.

Tirada wasiirada marka la soo dhameystiro ayaa waxay noqon doonaan ilaa 18 wasiir.

Daawo: Munaasabadii lagu magacaabey Xukuumada Cusub ee Uhuuro Kenyaata.


Idale News Nairobi, Kenya

You might also like More from author

Comments are closed.