Fahad Yaasiin oo ku amray Wasiirada iyo Hey’adaha dowladda inay ka guuraan dhismayaasha Madaxtooyada

61

Idalenews-Warqad uu soo saaray Agaasimaha ayuu ku wargeliyay dadka degan Madaxtooyada oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo dad kale oo martida dowladda ka mid ah inay ka guuraan dhismaha Madaxtooyada, si loo dhiso.

Agaasimaha ayaa si gaar ah arrintan u ogeysiiyay Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada iyo Abaanduulaha Ilaalada oo lahaan doona fulinta iyo dhaqan gelinta amarka marka uu dhamaado mudada 14-ka maalmood.

Tallaabadan ayaa ka dhigan mid meesha ka saari karta Mas’uuliyiinta iyo hey’adda dowladda in wixii hada ka dambeeya aysan sii degenaan doonin xeyndaabka Madaxtooyada, oo ah meel ammaankeeda aad loo adkeeyay, inta badan Mas’uuliyiinta dowladda u ah gabaad.

Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo horay ay u dayactirtay Dowladda Imaaraadka Carabta xilligii dowladdii Xasan Sheekh ayaa la ogeyn dayactirkan cusub waxa uu soo kordhinayo, waxaana laga cabsi qabaa in amarkan ay ku hoos jiraan arrimo kale oo qarsan

You might also like More from author

Comments are closed.