Al-Shabaab oo saaka weerar culus ku qaaday Saldhigga uu degan yahay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur

150

Idalenews-Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday deegaanka uu ku sugan yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, iyadoo la soo sheegayo in iska hor imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Abuu Mansuur iyo kuwa Shabaab uu ka socdo deegaanka Abal ee Gobolka Bakool.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiil sar sare ay hoggaaminayaan weerarka saaka lagu qaaday Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana la sheegayaa in isku dayga weerarka uu yahay in gacanta lagu soo dhigo ama la dilo.

Warar aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ay doonayaan inay gurmad u fidiyaan Abuu Mansuur.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegaya in saaka aroortii Al-Shabaab weerar ku qaaday saldhiga Sheekh Mukhtaar Roobwo Abuu mansuur ku leeyahay deegaanka Abal ee Gobolka Bakool.

Maalmihii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa waday dhaq dhaqaaqyo ay doonayaan inay ku weeraraan Al-Shabaab, isla markaana ay hareereeyaan halka uu ku sugan yahay.

Illaa iyo hada lama oga khasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, waxaana la sheegay in ciidamada uu wato Abuu Mansuur ay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday.

Abuu Mansuur ayaa la sheegay inuu isaga baxay Al-Shabaab sanadkii 2013, markii ay isku dhaceen Hoggaanka Guud ee Xarakada Al-Shabaab, waxaana wixii markaas ka dambeeyay uu saldhigtay deegaanada uu ka soo jeedo.

Bishii June ayay aheyd markii Mareykanka uu ka saaray liiska Argagixisada ee dadka madaxooda ay dul saaran tahay lacagaha, iyadoo wixii markaas ka dambeeyayna Al-Shabaab ay culeys saareen Abuu Mansuur

You might also like More from author

Comments are closed.