Kulan Balaaran oo Waxgaradka Beesha Hubeer ee Midowga Yurub ku yeesheen Sweden

46

bild2

Shir ka dhacey magaalada Hällefors ee dalka Sweden ayna isugu yimaadeen Odayaasha, dhalinyarada iyo dhamaan waxgaradka Beesha Hubeer ee Midowga Yurub gaar ahaan dalalka Sweden iyo Boqortooyada Ingiriiska isla markaasna la isku dhaafsanayey aragtiyo ku aadan sida ugu haboon ee loo hormarin karo deegaanada iyo dadyowga deegaanada ay beesha degto ee  Gobolada Shabeelaha Hoose, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay iyo Gedo ayaa dood iyo falanqeyn dheer ka dib waxaa la go’aansasdey qodobadaan soo socda:

  1. In la raadsho qurbo joogta beesha dhamaan dalalka Yurub iyo  ka shaqeynta mideyntooda isla markaasna loo sameeyo hal hogaan oo mideysan.
  2. In shirweyne la qabto mustaqbalka dhow oo dib laga soo shaacin doono si ay fursad ugu helaan dhamaan qurba joogta beesha ee qaarada yurub. Kadibna la raadiyo kuwa qaarada Ameerika iyo Aasiya gaar ahaan Khaliijka.
  3. In lamideeyo labada qeybood ee hadda shirkan ka wada qeyb galey Sweden iyo London loona sameeyo shariciyo iyo nidaam kala haga maamulada iyo wax qabadkooda mustaqbalka.
  4. In xooga la saaro waxbarashada iyo in lagu garab wado in hogaan loo sameeyo beesha kuwa ku dhaqan Shabeelada Hoose (Daafeet).
  5. In la hiigsado Hubeer Hirane loona sameeyo hab meel ay ku kulmi karaan oo hool ah iyagana si gaar ah loo dhaqaaleeyo.
  6. In la bilaabo mashruuc dhisme iskuul iyo MCH oo ka koobnaan donaan illaa 12 qol iyo hool weyn oo lagu dhiri karo, lagana hirgeliyo deeganka Haakow.
  7. In qurba joogta beesha hubeer meel wali ba oo ay joogaan la soo dhaweeyo maskaxdooda iyo wax qabadkooda deegaanada laga soo jeedo.
  8. In la furo qol skype ah ama paltalk ah si markii si deg deg ah loo rabo in loo shiro loo isticmaalo.

bild1

bild1

Mustaf Haji Mohamed Axmed, (Madaxa Beesha Hubeer ee Sweden)
Yaasiin Maxamed Cismaan (Madaxa Jaaliyada Beesha Hubeer ee Dalka Ingiriiska)

 

You might also like More from author

Comments are closed.