Wasiirka Cadaaladda iyoTaliyaha Ciidanka Asluubta oo kormeer shaqo ku tegay Taliska Asluubta km7

133

Idalenews-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxay kormeer ku tageen Xarunta Ciidanka Asluubta ee km7 halkaas oo uu ka socdo dhismo dib u dhis loogu sameynayo Xarunta Taliska ee Ciidanka Asluubta, iyadoo sidoo kalena uu ka socdo dhismaha Xabsi weyn kaas oo ka agdhow Xarunta.

Taliyaha Ciidanka asluubta Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa sheegay in Bisha soo socota ay soo gabo gabeynayaan dhismaha Xarunta Ciidanka Asluubta taas oo dhawaanahaanba dayactir uu ka socday.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee XFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa isna dhankiisa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in inta badan xarumihii ay lahaayeen Ciidanka Asluubta ay yihiin kuwo dib u bilaabaya Shaqooyinkii ay xili hore qaban jireen.

Xarunta Taliska Asluubta ee Muqdisho waxaa hadda ka socdo dib u dayactir waxaana sidoo kale jira in dhawaanahanba ay wadeen Saraakiisha Asluubta sidii dib loogu howl galin lahaa Xarumihii waaweynaa ee Taliska Asluubta.

You might also like More from author

Comments are closed.