Dayax oo Madoobaad Caawa laga arkaayo Soomalia

172

Idalenews-Dayax-madoobaad ayaa Caawa larkayaa meelo badan ee Soomaaliya.

Magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Boosaaso, Kismaayo iyo meelo kale ayaa ka mida meelaha Dayax-madoobaadkaasi hareeyey, wuxuuna u muuqdaa mid aan badneyn balse si cad u muuqda.

Dadweynaha ayaan ku baraarugay, waxaana bilowday in la is tusiyo isbedelka ku dhacay Bisha, isla markaana la isugu soo baxo Wadooyinka.

Xilliyada dayax iyo qorax madoobaadka ayaa salaad la tukadaa iyadoo dadka muslimiinta ah ay ku cararraan masjidyada, halka ay caruurta caado u noqotay inay wadooyinka la wareegaan ereyo iyo baraarujin.

You might also like More from author

Comments are closed.