War dag dag ah: Qarax xoogan oo kadhacay Wadadda Maka Al-Mukarama

107

Idale-wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama.

Goobjoogayaal ayaa idaacadda VOA u sheegay in qaraxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Hoteelka Ambassador iyo garaashka Xaaji Baasto.

Warar horudhac ah ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay baabuur. Ilaa haatan ma cadda in qaraxu ahaa ismiidaamin iyo in kale.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay jirto dhimashada illaa iyo afar qof iyo tiro kale oo dhaawac ah. Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in dhimashu ay tahay laba qof.

You might also like More from author

Comments are closed.