Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya oo sheegay inay diirada saarayaan ciribtirka Ajaaniibta, ka dhinac dagaalameysa Shabaab

22

Fiqi

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumada Somaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa wuxuu sheegay in Wasaaradiisu ay ciribtiri doonto, Ajaaniibta ka dhinac dagaalameysa Al Shabaab.

Wasiirka ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Al Shabaab iyo Xoogaga Ajaaniibtaba ay dhibaatooyin xoog leh ku hayaan shacabka Somaliyeed, sidaasi daraadeedna ay tallaabo adag ka qaadan doonaan.

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay inay xilligaan ku hawlan yihiin qorshe lagu soo gaba gabeynaayo Al Shabaab iyo Ajaaniibta ka dhinac dagaalameysaba, si meesha looga saaro dhibaatada ay bulshada ku hayaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku sii siqayaan Deegaanada ay gacanta ku heyso Al Shabaab, wuxuuna ujeedka uu ku sheegay in Al Shabaab la wiiqo.

Mr. Fiqi ayaa wuxuu ku goodiyay in Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya ay cagta marin doonaan Xoogaga Shabaab, si ammaan iyo kala dambeen loogu soo dabaalo dalka oo idil.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.