Siyaasiin ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen Maamulka Hirshabeele

118

Idalenews-Kulanka oo ay Goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Xildhibaan Khalif Cabdi Cumar, Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene, Xildhibaan Faadumo Faarax Ibrahim(Qamar), Wasiirro iyo Xildhibaanno Beeshaasi ah oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa lagu dhaliilay magacaabis uu sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble.

Beesha Baadi-Cadde waxaa ay sheegeysaa in maamulka Hirshabeelle aanu tixgelin cadaaladda, baahinta maamulka, kana shaqeeyay sad bursi uu u sameynayo beelo gaar ah iyo in madaxweynaha Hirshabeelle Cosoble ku guul-sareystay baahinta maamulka, iyaga oo ka digay in sida ay wax ku socdaan haddii ay sii socoto ay keeni karto aaminaad darro iyo dib u soo noolaashaha colaaddii sokeeye ee gobolka.

War Saxaafadeed uu Akhriyay Wasiiru dowlaha Howlaha Guud ee Hirshabeelle Ismacil Maxamed Nur , go’aannadii ku qornaa waxaa ka mid ahaa:

In aysan suurgeli karin in shacabka Hiiraan ay raalli ka noqdaan sedbursi, cadaalad darro iyo iska horkeenid.
Waxaan ka digeynaa in dagaallo sokeeye ka dilaacaan gobolka Hiiraan oo mas’uul ka yahay madaxwynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble iyo maamulkiisa.
Waxaa ugu baaqeynaa dhammaan beelaha deegaanka Hirshabeelle ay qaataan go’aan mideysan oo ka dhan ah dhaqamadan ka soo horjeeda rabitaanka iyo nabadda Hirshabeelle.
In xubnaha baarlamaanka Hirshabeelle qaataan kaalintooda la xisaabtanka, ayna hor istaagaan dhaqamada wax u dhimaya xasiloonida Hirshabeelle.
Dowladda federaalka ah, shacabka Hirshabeelle iyo beesha caalamka waxaan ku wargelineynaa in Cali Cabdullahi Cosoble mas’uuliyadeeda qaadi doono haddii uu dhiig ku daato maamulada qaldan ee Hiiraan ka magacaabay.
Beeshu waxaa ay joojineysaa dhammaan wixii wada shaqeyn ah oo ay la laheyd maamulka Hirshabeelle inta laga xalinaayo tabashooyinka beesha.

You might also like More from author

Comments are closed.