Dowladda Somalia iyo Shirkado Caalami ah oo lagu wado inay kala saxiixdaan heshiis shidaal baaris

36

987v ghfcghdjdgfxszd

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinayo inay Dowladda Somalia qorsheyneyso inay qalinka ku duugto 30-qandaraas oo lagu soo saarayo Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga sanadkan.

Qorshahaas ayaa lagu wadaa inay Dowladda Somalia la saxiixato Shirkado Caalami ah, kuwaasi oo Dalka Somalia ka hawlgali jiray ka hor burburkii Dowladii Kacaanka Sanadkii 1991-dii.

Aggaasimaha Maamulka ee Shirkadda Badroolka Soomaaliyeed, Xusein Cali Axmed ayaa dhawaan sheegay inay Dowladda Somalia diyaar u tahay inay heshiis la saxiixato Shirkadahaas, si ay labada dhinac u wadaagaan Saamiga wax soo saarka Shidaalka, wuxuuna Tilmaamay inay Dowladda la soo xiriireen qaar ka mid ah Shirkadahaasi oo diyaar u ah inay dib uga hawlgalaan Somalia.

Aggaasimaha oo dhawaan Suxufiyiinta kula hadlayay Magaaladda Nairobi ayaa tilmaamay inay Saddax Shirkado Caalami ah shaaciyeen inay diyaar u yihiin inay ka hawlgalaan Somalia.

Shirkadaha Shidaalka ee ogolaaday inay Somali dib uga hawlgalaan ayaa kala ah, Royal Dutch Shell Plc (RDSA), Eni SpA (ENI), iyo ConocoPhillips (C).

Dhinaca kale, Shirkadda Shidaalka Baarta ee Chevron Corp. USA ayaa weli ka soo jawaabin Codsiga Dowladda Somalia ee ahaa inay dib uga hawlgalaan Somalia.

Dalka Somalia ayaa waxa uu ka mid yahay Dalalka Afrikada Bari ee Safka hore kaga jiraa dhinaca Keydadka Shidaalka, iyadoo Dalka Somalia horay looga helay Keydad wax soo saar shidaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Somalia ayaa qorsheyneysa inay kordhiso tiradda Goobaha laga baaro Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga, iyadoo qaar ka mid ah Goobaha loo asteeyay in Shidaalka laga qodo ay ku fadhiyaan 200,000km oo isku wareeg ah.

Xigasho:- FuelFix.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.