QM oo amaantay Boliska Nigeria ee ka hawlgala Somalia

48

yhvbgffg

Wafdi ka socda Xafiiska QM ee taageera Hawlgalka AMISOM iyo Saraakiil ka tirsan Ururka Midowga Africa (AU), ayaa waxay booqasho ku tageen Caasimadda Dalka Nigeria ee Abuja.

Wafdiga oo uu horkacayay Aggaasimaha Xafiiska QM ee taageeradda Hawlgalka Nabad ilaalinta Somalia (UNSOA), Amadu Camara, ayaa waxay la kulmeen Taliyaha Guud ee Boliska Nigeria oo ay kaga mahad celiyeen doorka ay Ciiddamadda Boliska Nigeria kaga jiraan tababarida Ciiddamadda Somalia.

Amadu Camara, ayaa sheegay in Boliska Nigeria ay Boliska Somalia ka taageeran soo celinta Nabadda Somalia iyo inay gacan ka geystaan dib u dhiska Taliska Boliska Somalia.

Wafdiga waxay codsadeen Dowladda Nigeria in la kordhiyo taageerada dhinaca Ciiddamadda, si ay gacan uga geystaan dadaalka QM iyo Midowga Africa ugu jiraan sidii Somalia loogu soo celin lahaa Nabad iyo Xasilooni.

Xigasho:- Daily Trust

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.