Madaxweynaha oo Tarsan u magacaabay lataliye sare ee xafiiska madaxweynaha

107

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u magacaabay Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) in uu noqdo la taliye sare ee xafiiska Madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda.

Idalenews-Degreeto ka soo baxday maanta xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Max’ed Axmed Nuur Tarsan in uu noqdo lataliye sare ee dhanka siyaasadad ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Tarsan oo horey u soo noqday Guddoomiyihii gobalka Banaadir ayaa kamid ahaa musharixiintii u tartamaysay xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashadii madaxtinimo ee horaantii sanadkan ka dhacday dalka.

You might also like More from author

Comments are closed.