Sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo lagu dilay Shabeelada hoose

183

Sargaal ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab ayaa waxaa lagu dilay deegaanka kuunyo barow ee Gobolka shabeelada hoose waxaana jira Maxaabiis laga sii daayay deegaankaasi.

Gudoomiyaha Degmada Baraawe ee Xaruunta Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Aadan madoobe oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn Diyaarado dagaal ka fuliyeen Gobolka Shabeelada hoose gaar ahaan deegaanka Kunyo Barrow lagu dilay Sargaal sare oo Magaciisa lagu soo gaabshay dheere oo ka mid ahaa Hor-joogayaasha kooxdaas ee Buuraleyda Gal-gala.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaanno ka tirsan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya duqaymo ay iska kaashanayeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

You might also like More from author

Comments are closed.