Maxuu ka yeri Afhayeenka AMISOM oo faah-faahin ka bixiyay Weerar ka dhacay…

253

Afhayeenka AMISOM Col. Wilson Rona oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin ka bixiyay weerar ka dhacay deegaanka Golweyn ee Gobalka Shabeellaha Hoose, kaasi oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku bartimaameedsadeen ciidanka AMISOM.

Wuxuu sheegay Afhayeenka AMISOM in weerarkaasi uu ka dhashay khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

“Sida aad la so cotaan waxaa weerar lagu soo qaaday ciidamadeena, Maleeshiyaad katirsan ayaa weerar gaadmo ah inaga soo gaaray, Khasaaro waxaana naga geeriyooday 12-Askari, Todobo kalana waa naga dhaawacmeen, sidoo kale Khasaaro Badan ayaan gaarsiinay maleeshiyada Al-Shabaab.” Ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.

Col. Wilson Rona Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan Howlgal balaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab oo la diyaariyay kaasi oo mar dhow lagu dhaqaaqi doono.

You might also like More from author

Comments are closed.