Qarax miino oo Khasaaro ka soo gaartay Ciiddamadda Dowladda ee Gobolka Sh/Dhexe

35

8888

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Habeennimadii Xalay Qarax xoogan uu ka dhacay Bar Kantarool u dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka ka imaanaya Dhanka Saraakiisha Ciiddamadda Dowladda ee Gobalkaasi ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso iyadoona uu Qaraxa ku dhintay Hal Askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda halka labo kalena ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen Saraakiisha Ciiddamadda.

Barta kaantarool ee la qarxiyay ayaa la sheegayaa inay ahayd goob gadiidka lacagaha looga qaado.

Illaa iyo iminka cid sheegatay Qaraxaasi ma jirto iyadoona Saraakiisha iyo Ciiddamadda Gobolkaasi ay aaminsan yihiin in Qaraxa uu ahaa miino xili hore ku aasneyd Koontaroolka balse aysan ahayn mid loo dhigay Ciiddamadda.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.