SAWIRO: Beesha Yantaar Oo Dooratey Ugaaska Guud Ee Beeshaas +VIDEO

300

Munaasabd Si Weyn Loo Agaasimey isla markaana lagu dooranayey Ugaaska Guud Ee Beesha Yantaar ayaa Maanta Lagu Qabtey Hotel Horyaal Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.Baydhabo(SPO Somalia)- Munaasabd Si Weyn Loo Agaasimey isla markaana lagu dooranayey Ugaaska Guud Ee Beesha Yantaar ayaa Maanta Lagu Qabtey Hotel Horyaal Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Munaasaada Doorashada Waxa Waxa Kor Joog ka ahaa,  Waxgarad, Xildhibaano, Wasiiro Ka tirsan  Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somalia iyo weliba Marti-Sharaf kale . 39 Ergo oo lagu soo Xiliyey Jufooyinka Kala Duwan ee Beesha Yantaar ayaa waxay Dooranayeen 4 Oday dhaqmeed midkooda oo U Sharaxnaayeen Qabashada Hogaanka Guud Beeshaas, Waxayna kala yihiin

• Cali Malaaq Xasan Cali Qataar

• Xaaji Maxamed Cadow Maxamed Nuur

• Xasan Cabdi Nuur Aaden

• C/laahi Macalin C/raxmaan

Doorasha ayaa waxay ahay codeyn Qarsoodi isla markaana waxa jirey Gudiga Mudo badan ka soo shaqeeyey nidaamka ay dhicayso Doorashada.

Codeyn ka dib waxay Musharaxiin ay kala helaan Sida

• Cali Malaaq Xasan Cali Qataar  : 30 cod

• Xaaji Maxamed Cadow Maxamed Nuur : 0 Cod

• Xasan Cabdi Nuur Aaden (Xasan Aalbiro ) : 3 cod

• C/laahi Macalin C/raxmaan : 9 Cod

Mas’uuliyinta iyo Waxgaradka ayaa u hamableyey Ugaaska Cusub ee Beesha, Sidoo kale Ugaaka la doortey oo hadal kooban jeediyey ayaa balanqaadey in Si cadaalad ah Ugu Shaqeyn doono Beesha.

You might also like More from author

Comments are closed.