Waxbixin: Musharaxiinta ugu cad cad Madaxtinimada Jubbaland State

33

Musharax

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ka bilowday Olaolaha doraashada   Madaxweynaha  Jubbaland  State  waxaana  tartaankaasi u taagan in ka badan  10 musharax, Habada Warbaahinta  Idale News ayaa waxaay  bal inyar ka taban doonta  Musharaxiinta ila iyo  hada si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay ka qayb qadanayaan  Dorashada Madaxweynaha Jubbaland State .Musharax

Sh Axmed  Madoobe waa Gudomiyaha Maamulka Kmg ah ee Kismaayo waxaa u sido kale yahay Gudomiyaha  Xarakada Raskambooni Sh Axmed Madoobe waxaa u ku dhashay dhulka Somali Galbeed  ama Kililka 5 naad waxaana uu ku soo  bartay Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose Sh Axmed waxaa uu taagero ka helaya Wadanka Kenya oo Saaxiibo dhow ay yihiin Ciidamana ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahan gobolada Jubbooyinka.

Sh Maxamed Aw-libaax waa Gudoomiyaha Saxiixeyaasha Jubbaland  waxana sido kale u yahay  Gudomiyaha  Ahlusunnada Konfureed Sh Maxamed waxaa uu ku dhashay  Gobolka Gedo ee Galbeedka Somalia  waxaana uu taagero ka helaya  Dowlada Itobiya iyo wadomo reer Galbeed ah .

Sh Ibrahiim Shakuul  wa Ganacsade Qurbajoog ah  oo si weyn looga yaqaano Wadamada Mareykanka iyo Kenya waana marki ugu horaysay  ee uu siyaasada Somalia ka soo dhex muqdo Siyaasigaan waxaa uu taageero ka helaya  Xildhibano  ka tirsan  Baarlamanka wadanka Kenya oo ay xiriir dhow leyihiin  waxaa uu sido kale saran yahay jeebkiisa oo sheekhu waa Ganacsade wayn.

Gen Cali Madoobe wa taliyihii hore ee ciidamada Booliska Somalia wa Aqoonyahan  xilal  badan  ka soo qabtay Dowladihi ugu danbeyay ee Somalia  waxana uu  dhalasho ka haysta Wadanka Holland  oo uu in mudo ah  dagnaa  Gen Cali Madoobe  waxaa uu taagero ka helaya qaar ka mid ah wadamada reer Galbeedka iyo Hay,adaha  UN ka ,

Prof Gandi  waa aqonyahan ruug cada ah oo in badan ku soo jiray siyaasada Somalia  garayna ila Wasiirka wasarada Gaashandhiga  Gandi waxaa uu taageero ka helaya  qaybo ka mid ah  Dowlada Kenya  sida wasiirki hore ee Gaashandhiga kenya oo ay isku raas yihiin sidoo kale waxaa uu  taagero ka filaya wadamo ay ka mid tahay France .

Yasiin Raadeer waa Sarkaal  ciidan oo mudo ka badan 35 sano  ka howlgalayay  Gobolada Jubboyinka  waxaaana hada u yahay Gudomiye kuxigeenka Maamulka KMG ah ee Kismaayo  Col Yasiin ila iyo hada  ma cada meel u ku tirsan yahay  balse wanu ku daba jogna in aanu ka helno xog dheeri ah.

Iiman Rashiid Gurre  wa  mid ka mid ah Aqonyahanada iyo Imaamada Gobolka Gedo waxaa uu ku dhashay Dagmada Luuq ee Gobolka Gedo waxaana uu dhalasho ka haystay Wadanka Danmark Imanka ayaa waxaa uu ka mid ahaa dadki  qaybta lixaad ka soo qatay Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo  mana cada Wadamo rasmi ah oo uu taagero ka helayo.

Eng Bashiir  wa mid ka mid ah Aqonyahanada Gobolka Gedo  qaas ahaan Magaalada Garbaharey Eng Bashiir wa Aqonyahan Qurba joog ah dhalashona ka haysta wadanka UK waxana uu ka mid ahaa Musharaxiinta  ugu  horeeyay ee shaaciya in u  tartamaayo Madaxweynaha Jubbaland  Aqonyahan Bashiir ma cada garabka uu ku tiirsan yahay ama taagero uu ka filaayo balse wanu ku daba jirna

Iyadoo ay sidaasi tahay hadana waxaa jira Musharaxiin kale oo dhowr ah walina aan shaacin inay yihiin musharaxiin, balse la filayo maalmaha soo socda inay shaaciyeen musharaxnimadooda.

Dhamaan Musharaxiintani waxay ku suganyihiin magaalada kismaayo, halkaasi oo ay ka wadaan olole siyaasadeed oo ku doonayaan inay ku helaan jagada ugu saraysa  Maamulka Jubbaland.

Musharaxiintani ayaa markii aad la sheekaysato mid walba wuxuu kuu sheegayaa rajo fiican inuu ka qabo in loo doorto Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland State.

Waxaa Xusid mudan sanadkii hore dhamaadkiisii markii loo tartamayay xilka Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliya inay sidaan oo kale soo baxeen musharaxiin badan oo doonayay xiligaasi inay qabtaan jagada Madaxwaynaha isla markaana loo saadaalinayay Musharaxiin xiligaasi ugu cad cadaa ay waxba heli waayee  markii miiska lasoo fariistay xaaladuna is badashay isla markaana uu meesha soo galay nin aan la filayn waa madaxwaynaha iminka talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

You might also like More from author

Comments are closed.