Saddex nin oo dadka ka tahriibin jiray Koofurta Sudan oo Muqdisho laga soo dejiyay

228

Dowladda Suudaanta koonfureed ayaa saddex ka mid ah ragga Soomaalida ah ee ku lugta leh tahriibinta dadka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Magafayaasha ee dadka u tahriibiya Libya ku wareejisay dowladda Somalia.

Saddexdan Magafe ayaa todobaadkii hor laga soo qabtay magaalada Jubba ee Caasimadda Suudaanta Koonfureed, iyadoo la tixraacayo xogta laga helay ninkii ay la shaqeyn jireen oo isna horey sidan oo kale dowladda loogu wareejiyay.

Wariyeheenna Xuseen Barre Aaden ayaa arrintan ka wareystay, Shaafici Nuur Calas, oo ah ku simaha Safaaradda Soomaaliya ee Suudaanta Koonfureed.

Idalenews.com  Kismayu

You might also like More from author

Comments are closed.