Dowlada Konfur Galbeed Ayaa Soo Dhaweyay Xayiraadii Laga Qaaday Sheik Muktaar Roobow Al-Mansuur.

402

June 24 (Jowhar)— Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo dhoweeyay xayiraadii laga qaaday Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, kaasoo war ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka lagu sheegay in laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga ee shaqsiyaadka loogu doon doonista badnaa.

Abuu Mansuur ayaa laga waayay bogga abaal marinta Cadaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay ku qornaayeen dadka dunida loogu doonista badan yahay ee ku jira liiska waxa loogu yeero Argagixisada Caalamiga.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed Ugaas Xasan Maxamed Cabdi oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan xayiraada laga qaaday Abuu Mansuur.

“Waa soo dhoweynayaa xayiraada laga qaaday Abuu Mansuur oo ahaa nin ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, anaga waxba kalama socono qaabka Mareykanka xayiraada ugu qaaday”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Koofur Galbeed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in horay Abuu Mansuur u sii daayay mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda, sanado ka hor markii Al-Shabaab ay la wareegeen magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Abuu Mansuur ayaa la sheegay in wada hadalo aan toos aheyn uu u socday dowladda Soomaaliya, waxaa uu afartii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa deegaanada howdka ee Gobolka Bakool, waxaa ilaalinaya dagaalyahano beeshiisa ah.

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Abuu Mansuur laga yaabo inuu isku soo dhiibo dowladda Soomaaliya, walina ay socdaan wada hadalo, hase ahaatee shuruudaha wada hadaladaas ayaa qeyb ka ahaa in marka hore laga saaro liiska Argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wali ka hadlin Xayiraadda laga qaaday Abuu Masuur oo ahaa Kuxigeenkii Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo sanadkii 2014 diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn ku dileen.

Idalenews Baydhabo

You might also like More from author

Comments are closed.