Magalaada Kismaayo oo ay ku soo Badanayaan Dadka Dhulalka Isku Qab Qabsanaya

42

Kismaayo-1_12

Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya  in maalmahan danbe gudaha magaaladaasi ay ku soo badanayaan is qab qabsiga Dhulalka degaanka oo ay dadku isku qab qabsanayaan.

Qaar ka mid ah Dadka ayaa sheeganaya in dhulkaas iyagu ay leeyihiin halka kuwa kalena ay sheeganayaan  taasoo keentay is qab qabsi  maalmhan halkaa ku soo batay.

Qaar ka mid ah Dadyowgaas  dhulalka isku qabsanaya  ayaa waxa ay ku tallaabsadaan in Ciidamada dawladda u cawdaan iyagoo ku Beer Laxawsanaya  in qaab beeleed Dhulalkoodii la xoogayo halkaasna ay ka dhashaan iska hor imaadyo Ciidamada dhexdooda ah.

Guddoomiye ku Xigeenka  Degmada Kismaayo ee Dhinaca arrimaha Bulshada oo maanta war baahinta kula hadlay gudaha Magaalada Kismaayo ayaa ka digay in la joojiyo arrimahan muddooyinkan danbe soo if baxaya ee ku aadan is qab qabsiga dhinaca dhulka ah.

Gacma dheere ayaa u sheegay in dadka dhulka isku haysta ay la soo xiriiraan xafiisyada maamulka ee qaabilsan dhinaca arrimaha Bulshada iyadoo qof waliba ay soo qaadanayso wixii Dikuminti ah oo u caddeynaya lahaansha dhulkaas.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay inaan loo dul qaadan doonin iska hor keen la iska hor keenayo Ciidamada dawladda ee ku sugan Gobolkaas iyadoo loo adeegsanayo  qaab beeleed laguna beer laxawsanayo in Dhul la kala dhacay isagoo Ciidanka ugu baaqay inaysan arrimahaas faraha la gelin.

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa muddooyinkii danbe dib ugu soo laabanayay Magaalada oo ay hore uga bara kaceen iyadoo qof waliba ay doonayso in ay dib u hagaajisato Gurigii ay hore uga carartay iyadoona ay jiraan dad Magaalada Ku sugnaa oo Dhulalkii laga cararay isku dayaya in ay qabsadaan.

Si kastaba Kiisaska dhulalka ayaa ah Mushkiladda ugu ballaaran ee maanta Dalka guud ahaan ka jirta haba ugu darnaato magaalada Muqdisho oo ay jiraan is qab qabsi ballaaran oo arrintaa ku aaddan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.