Puntland oo ka jawaabtay Madaafiicdii lagu weeraray Garoonka diyaaradaha

46

ddsscxsdedede

Taliyaha Ciiddamadda Boliska Puntland Gen.Janaqaf ayaa waxa uu ka hadlay Madaafiic Saakay lagu garaacay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.

Taliyahu waxa uu sheegay in Weerarka lagu qaaday Garoonka uu ahaa mid ay geysteen Maleeshiyo hubeysan oo ka soo jeeda Galmudug, waxa uuna sheegay in Madaafiicdaasi ay salka ku hayeen Dil maalinimadii shalay loo geystay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta ee Galmudug oo lagu dilay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Galkacyo.

Taliyaha waxa uu sidoo kale, sheegay in Ciiddamadda Garoonka aysan xamili doonin weerar dambe ee kaga imaada dhanka Maleeshiyadaasi waxa uuna Tilmaamay in Weerarka Ceynkaasi ah uu dhalinkaro Dagaal salka ku haya aar goosi oo dhex mara Labada maamul.

Dhanka kale, Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in madaafiic jawaab celin ah, ay soo ridayeen Ciidamada Ilaalada Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Galkacyo.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarka lagu qaaday Garoonka ayaa waxaa laga yaaba inuu sababo Dagaal salka ku haya ugaarsi dhex mara Saraakiisha iyo Ciiddamadda Puntlan iyo Galmudug.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.