Ciiddamadda Xooga Dalka oo dib ula wareegay Deegaano gacanta ugu jiray Maleeshiyadda Alshabaab

37

7 ok

Ciidamadda Xooga dalka Somalia ayaa waxa ay si rasmi ah ula wareegeen Deegaanno hoostaga degmada Xuddur ee gobolka Bakool kaddib markii ay Dagaal xoogan la galeen Dagaalyahaano ka tirsan Maleeshiyadda Alshabaab.

Maxamed Macallin Axmed, Guddoomiyaha Degmada Xuddur, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegaya in Ciidamadda Dowladda ay si buuxda ula wareegeen deegaannada Garasweyne, Dumaale iyo Faraq oo ku dhow-dhow Degmada Xuddur.

Maxamed Macallin Axmed, ayaa waxa uu sheegay in  Ciiddamadda Dowladda ay Jab Khasaaro hanta iyo Naf isugu jiro u geysteen Maleeshiyadda Alshabaab oo ay Dagaalka kula jireen, Balse Guddoomiyuhu ma uusan cadeyn Khasaaraha rasmiga.

Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha Ciidamadda Dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay qorshe ciidanka dowladda ay dib ugula wareegi rabaan degmada Xuddur iyo qeybaha kale ee gobolka ay ka joogto maleeshiyada al-Shabaab.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.