XOG. Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Ammniga Qaranka Somalia oo la filayo inay isku shandheyso Maamulada Dalka

48

987v ghfcghdjdgfxszd

Warar hoose oo laga helayo Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Ammniga Qaranka Somalia ayaa sheegaya in Wasaaradaasi ay qorsheyneyso inay isku shaandheyn ku sameyso Maamuladda Dalka.

Is bedelka Wasaaradda ayaa waxa uu barbar soconayaa Isbedeladii lagu sameeyay Saraakiisha Ciiddamadda iyo Maamuladda Gobolada Baay iyo Hiiraan, kuwaasoo horseed u ahaa Isbedeladda iminka ay qorsheyneyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wararka horudhaca ee laga helayo Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxa ay sheegayaan in Isbedelka ugu horeeyo lagu sameyn doono Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamulada Degmooyinka hoostaga Gobolka.

Isbadalka ayaa waxa uu sidoo kale, saameyn doonaa Qeybo badan, waxaana la filaaya in Isbedeladda Wasaaradda ay wado ay Mas’uuliyiin badan ku weyn doonaan Xilkooda, halka Mas’uuliyiin aan la garaneynin  kusoo biiri doonaan Maamulada Dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Isbadalka ugu weyn ayaa saameyn doona Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo intooda badan xilka laga qaadi doono waxaana hada Tabbaar u socdaa Gudoomiyaasha la qorsheenayo in lagu badalo Gudoomiyaasha hada seefta Madaxooda saaran tahay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.