Guddiga Difaaca Baarlamaanka Somalia oo Su’aalo weydiiyay Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Somalia

44

oioioi

Iyadoo ay muddooyinka Golaha Baarlamaanka Somalia ay Su’aalo weydiinayeen Mas’uuliyiinta Dowladda Somalia ayaa waxaa Maanta sidoo kale Xubnaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya Su’aalo wax ku’ool ah weydiiyeen C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Wasaarada difaaca Xukuumadda Soomalaiya.

Wasiirka Gaashandhiga oo muddooyinkaani Safaro ku soo kala bixiyay Gobolada Dalka iyo Waddamada Xiriirka la leh Somalia ayaa Waxaa la weydiiyay Su’aalo la xiriiray heshiisyada dhanka ciidanka ee Wasaarada Gaashaandhiga la gashay Dowladaha shisheeye  iyo sida looga gudbi karo ciidan ku dhisan qaab beeleed.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Wasaarada difaaca Xukuumadda Soomalaiya, ayaa waxa uu si hufan uga jawaabay Su’aalaha la weydiiyay isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay Wasiirada dhigiisa oo uu kula soo kulmay Waddamadda uu socdaalka ku tagay, waxa uu sidoo kale, Wasiirka Faahfaahin dheerad ah ka bixiyay Deeqaha Dowladda Wasaaradiisu ay ka heshay Dowladaha Dariska la ah Somalia waxa uuna sheegay in maalmaha nagu soo wajaha Wasaaradiisu isbedel la soo bixi doonto.

Waxaana wasiirka uu sheegay in ciidanka xooga ay qaadeen talaabo horumar leh oo la furay wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo qorshaha iminkana uu yahay sidii la isugu furi lahaa Magaalooyinka Jowhar iyo Beladweyne,Marka Iyo Kismaayo sida uu sheegay.

Xubnaha Guddiga Difaaca ee Baarlamanka ayaa wasiirka weydiiyay inuu turxaan bixiyo hub dhawaan la sheegay in lagala baxay baqaaro ku yaalo Xarunta madaxtooyada iyo darees cusub oo loogu talogalay ciidanka xooga dalka oo sida lasheegay lagu weeraray xarumaha garsoorka iyo waxa uu kala socdo ayaa Wasiirka wuxuu sheegay inaanay jirin hub lagala baxay madaxtooyada balse uu jiray iskuday hayeeshe ay fashiliyeen ciidanka madaxtooyada,dadna ay uxirxiran yihin arintaasi.

Wasiirka Wasaarada gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi waxa uu ku daray su’aalo la weydiiyay inay jirto qorshe Wasaarada Gaashaandhiga ay ugu talo gashay caruurta yar yar ee ay ciidanka ka geeriyoodaan waxaana uu sheegay in la daryeeli doono.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.