RW Shirdoon oo si kulul uga hadlay Dilkii Weriye Maxamed Ibrahim Raage

37

22

Ra’isul wasaaraha xukuumadda Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxa uu si kulul uga hadlay Dilkii loo geystay Weriye Maxamed Ibrahim Raage oo kamid ahaa Weriyayaasha Qaranka Somalia, waxa uuna dilkaasi dusha ka saaray Mas’uuliyadeeda Maleeshiyadda Kooxda Alshabaab.

Ra’isul wasaaraha ayaa cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee shalay gelinkii dambe loo gaystay wariye Maxamed Ibrahim Raage, waxa uuna tacsi tiiraanyo leh u direy qoyska iyo qaraabada wariyaha, isagoo sidoo kale u tacsiyeeyay bahda saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan asxaabtiisa Telefishinka iyo Idaacadda Qaranka ee uu wariyha la shaqaynayay.

Raisul wasaaraha ayaa ku tilmamay falka weriyaha lagu dilay mid naxariis darro ah oo aan loo nisbayn karin Diinta Islaamka, isla markaana aan raad ku lahayn dhaqanka Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaare Shirdoon wuxuu caddeeyay in ay dowladdu la dagaallami doonto kuwa gumaadka ku haya maskaxda ummadda Soomaaliyeed.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.