Dayactir ku socota qaar ka mid jardiinooyinkii ku yaaley hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho

35

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo dagaalo ku soo jirtay in ka badan 22 sano, waxaa ka billowday dib u dhis ballaaran iyo dayactir xooggan. kuwaasoo qaarkood ay ku howlan tahay dowlad hoose ee Xamar, halka kuwa kalena ay wado dowlada Turkiga.

Meelaha la dhisaayo waxaa ka mid ah, goobihii la fadhiisan jiray sida darjiinooyinka magaalada ku yaallay.

Meelaha sida wayn loo dhisay waxaa ka mid ah isgoyska KM0 ee ku yaalla degmada Cabdicasiis, halkaasoo laga dhisay dhowr darjiin oo indhaha soo jiidanaya.

DSC02037

DSC02036

DSC02034

Darajiinooyinka laga dhisay qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho, ayaa aad u badan, waxaana isgoos kasta aad ku arkeysaa darajiino waa weyn.

Qaar badan oo ah dadka ku nool magaalada ayaa aad u soo dhaweeyay darajiinooyinka laga dhisay magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho oo mar ahayd magaalooyinka ugu quruxda badan adduunka, waxaana inta badan jardiinooyinkan fadhiisan jiray ardayda Soomaalida ee dhigta dugsiyada ama jaamacadaha, waxaa kaloo fadhiisan jiray dhalinta haasaawuhu u dhexeeyo..

You might also like More from author

Comments are closed.