video DEG DEG: Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo Xabsiga laga siidaayay & Siilaanyo oo saxiixay…

426

War goordhaweyd nasoo gaaray ayaa sheegaya in lasii daayey Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo Xabsi ku yaalla Hargeysa ku jiray dhowrkii bil ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo ayaa waxa la sheegay in Cafis uu siiyey Wariyaha lana sii daayey.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Siilaanyo oo aan nuqul ka mid ah helnay ayaa waxa ay muujineysaa sii deynta Maxbuuskaasi.

Waxa uu ku Xukunaa C/maalik Coldoon Labo Sano oo Xabsi ah kadib Qaranimada Soomaaliland oo lagu Eedeeyey inuu ku Xad gudbay.

Wariye Coldoon ayaa ka mid ah Saxafiyiinta ugu saameynta badnaa dhinaca Samafalka Soomaaliya isagoo caawiyey dad badan oo tabaaleysnaa.

 

You might also like More from author

Comments are closed.