Muran ka taagan odayaal dhaqameedka Jubooyinka iyo Gedo oo gooni loo xareeyey

62

Iyadoo shirka lagu dhisaayo dowlad goboleedka Jubaland State ee ka socda magaalo xeebeedka gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo uu maraayo marxaladihiisii ugu dambeeyey ayaa wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraaya magaalada Kismaayo sheegayaan in garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo lagu xareeyay odayaashii dhaqanka ee Jubooyinka iyo Gedo. Wararku waxay sheegayaan in buuq uu ka dhashay xareynta odayaasha kadib markii tiradii saxda ahayd ee odayaasha dhaqanka tiro ka badan ay ku xarootay garoonka ee magaalada Kismaayo.

jubbalandStateCalan

Ku dhowaad 60 oday ayaa la xareeyay iyadoo tirada odayaasha dhaqanka ee sadaxda gobo ay tiradaas aad uga yartahay.Arintan ayaa buuq dhalisay kadib markii dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya siyaasada ay dalbadeen in odayaasha dhaqanka ee saxda ah oo kaliya la xareeyo laguna koobo in iyagu ay ergada soo xulaan. Gudiga masuulka ka ahaa xaraynta odayaasha ayaa sheegay in odayadaan dib loo kala hufi doono garoonkana lagu reebi doono odayada dhaqanka ee saxda ah oo kaliya.

Beelaha qaar ayaa sheegay inaysan jirin cid oday ah oo matasha sidaa darteedna  odayo isgarab socda meesha kusoo xareeyay halka jifooyinka qaar ay dhowr odayaal oo iska soo horjeeda ay keensadeen.

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa dib u dhac horleh keeno doonta maadaamo oo la sheegay gudiga khilaafaadka loo xilsaari doono si ay ukala hufaan beelaha iyo jufooyinka madaxa iskula jira.

You might also like More from author

Comments are closed.