Dhageyso: Nuxurka Qodobadii Ay Ka Wada Hadleen Koonfur Galbeed Iyo UNHCR

550

-Wafdi ka socda Hay’adda Qaxootiga Aduunka UNHCR ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaasi oo xarun KMG uu u yahay Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdigan oo ay hoggaamineysay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, Haween, Dhalinyaro iyo xubno kale.

Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha ayay kulamo la qaateen wafdigan, iyaga oo ka wada hadlay Abaaraha ka jira Degaanada Koonfur Galbeed iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Wasiirka Xanaanada iyo Xoolaha Maamulka Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Madoobe Nuunow Maxamed ayaa kulanka kadib waxa uu la hadlay warbaahinta.

You might also like More from author

Comments are closed.