Daawo Sawirada: Trump oo Madaxweynihii ugu horeeyay oo Afrikan ah kusoo dhaweeyay Aqalka Cad

317

Baydhabo(INO); Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa aqalka Cad kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax al-Sisi, waxa ayna labada Madaxweyne kawada hadleen arimo badan oo muhiim ah.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeya dowlada Mareykanka iyo Masar iyo sidii ay labada dowladood ula wada dagaali lahaayeen Kooxaha loogu yeero Argagaxisada sida Kooxda Daacish.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dhigiisa dalka Masar u sheegay in ay yeelan doonaan wada shaqeyn dhaw uuna halkiisa kasii socon doono xariirkii iyo wax is dhaafsigii ka dhaxeeyay labada dowladood.

Cabdifataax al-Sisi ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay oo Afrikan ah oo lagu soo dhaweeyo aqalka cad lana kulma Madaxweynaha Mareykanka, waxa uu sidoo kale noqday Madaxweynihii u horeeyay ee Afrikaan ah ee la hadla una hambalyeeya Trump markii uu guuleestay.

Idale News Online,


 

 

 

 

 

 

 

 

 

You might also like More from author

Comments are closed.