Dab ka kacay dukaamo ku yaala suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho

375

Baydhabo(INO); Dab ayaa ka kacay gelinkii dambe ee maanta Dukaamo ku yaala Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho, iyadoo dabkan lagu guuleystay in la damiyo, inta aanu faafin.

Sida ay sheegayaan wararka dabkan ayaa ka dhashay cilad koronto, waxaana markii uu kacay ku baxay Gaadiidka dab damiska oo ku guuleystay in la damiyo.

Illaa iyo hada lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay dabkan, balse waxaa ku baaba’ay hanti taalay illaa lix dukaan oo uu dabku saameeyay.

Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in aanu jirin wax khasaare nafeed, waxaana uu maamulka uu deg deg ugu gurmaday, markii uu dabku bilowday.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu dab ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha, waxaana dabkaas ku hanti beelay hanti ay lahaayeen dad Soomaaliyeed.

Idale News Online,

You might also like More from author

Comments are closed.