Mid ka mid ah Dhaqaatiirta ugu weynaa dhinaca haweenka genecolog oo Istanbuul ku geeriyooday

29

ss

Waxaa Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ku geeryoodey Alaha u Naxariistee Marxuun Dr. Cabdala Maxamed Xuseen oo mudo isbuuc ah xanuun ugu jirey isbitaal ku yaala Magalada Istambuul.

Marxuunka ayaa waxaa uu ka mid ahaan jirey dhaqaatiirtii ugu weynaa ee dhinaca haweenka Genecolog, wuxuuna kasoo shaqeeyey Isbitaalada Magalada Muqdisho, Burburkii dowlada ka dibna wuxuu ka shaqeyn jirey Isbitaalka SOS ee ku yaala magalada muqdisho.

Dr.ka ayaa geeriyooda maalintii shalay, waxaana lagu wadaa in meydkiisa loo soo qaado Magaalada Muqdisho si halkaas loogu aaso.

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.