C/raxmaan Kampaala oo loo magacaabay Safiir kuxigeenka dalka Kenya

353

Muqdisho (INO);  Agaasimihii hore ee Hab Maamuuska Madaxtooyada iyo Kaaliyihii gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/raxmaan Aadan Cusmaan (Kampaala) ayaa loo magacaabay Safiir Kuxigeenka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo Qunsulka koowaad ee Safaaradda.

C/raxmaan Kampaala ayaa bedelaya Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo horay xilkan u hayay, kaasoo hada ah Senator ka tirsan Aqalka sare.

Wararka ayaa sheegaya in magacaabistan ay horu dhac u tahay, is bedel la filayo in lagu sameeyo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, iyadoo safiir cusub dhowaan loo magacaabi doono.

Safiirkii Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb. Jamaal Maxamed Hassan ayaa waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha.

Ugu dambeyn magacaabista C/raxmaan Kampala ee Safiir kuxigeenka Safaaradda Kenya ayaa tusaale wanaagsan u noqon kara dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa wax kubartay iyo Kuwa hamigooda yahay inay ku soo biiraan siyaasada dalka.

 

 

Idale News Online,

You might also like More from author

Comments are closed.