Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada oo la bedelay iyo Taliye cusub oo la magacaabay

314

Baydhabo (INO) — Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, iyadoo wali uu socdo is bedelada lagu sameynayo kooxdii horay ula soo shaqeysay Madaxweynihii hore.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhowaad bil ku qaadatay, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay in wax ka bedel buuxa ku sameeyo xilalka kala duwan ee Madaxtooyada.

Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada ayaa waxaa loo magacaabay Col. Axmed Maxamed Afcadey oo horay u ahaa Taliyihii Madaxtooyada, xilligii Madaxweyne Sheekh Shariif.

Ilaalada Madaxtooyada waa ciidan Milateri hoos-taga Taliska xoogga dalka, waxaa loo yaqaan Koofiyo cas, waxayna gaarayaan illaa guuto ciidan.

Taliyaha xilka laga bedelay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa mar soo noqday Madaxa Paratocol-ka Madaxweynihii hore, waa nin ay aad isugu dhowaayeen Xasan Sheekh.

Waxaa uu noqonayaa xubintii u dambeeysay ee saameysa seefta is bedelka Madaxweyne Farmaajo oo doonaya in Madaxtooyada ka baal-siibo dhamaan intii la soo shaqeysay Madaxweynihii isaga ka horeeyay.

 

Idale News Online,

You might also like More from author

Comments are closed.