Maamulka Galmudug oo si kulul uga hadlay Dilkii Saakay loo geystay Sarkaalkii iyaga ka tirsanaa

53

uytr

Maamulka Galmudug ayaa waxa ay gowrdhow ka hadleen dil Magaalada Gaalkacyo Subaxnimadii saakay loogu geestay Sarkaal ka tirsanaa maamulka Galmudug.

Dilka Sarkaalkaasi ayaa waxa uu ka dhacay Afafka hore ee Garoonka Magaalada Gaalkacyo, waxaana Dilkaasi si kulul uga hadlay Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee maamulka Galmudug waxa uuna sheegay in dilka Sarkaalkaasi uu yahay mid ay filayeen,waxa uuna intaa ku daray in Jawaabteeda laga sugayo Maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug, waxa uu sheegay inay soo laab-laabatay Dilka ay Geysanayaan Maamulka Puntlan, wuxuuna si cad u sheegay in falka lagu dilay sarkaalkaasi uu ahaa mid shirqool ah oo lagu bartilmaameedsanayo Sarkaalkaasi ka tirsan maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug, Wuxuu sheegay in iminka ay socdaan kulamo kala duwan iyo baaritaano ku aadan arimahaasi waxaana Guddoomiyaha Gobalka Mudug uu hadalkiisa kusoo koobay in falkaasi uu ahaa mid shirqool ah Jawaabna ay ka bixin doonaan.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug, ayaa waxa uu arintaasi ku tilmaamay mid noqon doon mid laga hirgalinaayo in lasoo celdho aar goosasho dhex marta labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, Sarkaalka ayaa la dilay isaga oo gali rabay garoonka diyaaradaha ee Magaaladaasi Gaalkacyo ilaalada Garoonka ay ku amreen inuu istaago hayeeshe uu ka dhaga adeegay,sidaas awgeedna rasaasta loogu furay uu ugeeriyooday.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.