Dhageyso+Sawiro: Xildhibaano Ka Tirsan BKGS Oo Laaley Mooshin la sheegey in laga Keeney Madaxweyne Shariif Xasan

307

Muqdisho(INO)-Magaalada Muqdisho maanta waxaa kulan ku yeeshay xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo qaar ka tirsan Wasiirada iyo xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay aayaha Maamulka Koonfur Galbeed, iyo sidii shacabka Koonfur Galbeed ay u ahaan lahaayeen kuwo isku xiran oo ka shaqeeya danahooda.

Sidoo kale kulanka waxaa si gaar ah diirada loogu saaray Abaaraha ka jira Degaanda Koonfur Galbeed, is qab qabsi siyaasadeed ee ka jira Maamulkaasi iyo Mooshin laga keenay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Ibraahim Xasan Buule oo ka mid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo kulanka ka hadlay ayaa Dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay isku furto wadada isku xirta Muqdisho iyo Koonfur Galbeed, isaga oo sidoo kale ku baaqay in la joojiyo Mooshinka.

Dhanka kale xildhibaan Faadumo C/raxmaan Maxamed ayaa Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka waxa ay ugu baaqday in ay gar gaar la soo gaaraan dadka ay Abaaraha saameeyeen, si loo badbaadiyo.

Waxa ay sidoo kale soo jeedisay xildhibaan Faadumo C/raxmaan muhiim in ay tahay in la joojiyo Mooshinka laga keenay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, loona baahan yahay shacabka Koonfur Galbeed in ay gacanta is qabsadaan.

Dhowaan ayay aheyd markii xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed oo sheegay in ay gaarayaan 100 ay Mooshin ka keeneen Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyaga oo ku eedeeyay in uu gumugdi geliyay Maamulka.

You might also like More from author

Comments are closed.