Qarax miino oo maanta lala beegsaday gaari ay la socdeen Ciidamada Amisom

47

 

qarax

Gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa wuxuu ka mid ahaa gawaari dhawr ah oo ay la socdeen Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, waxaana ku yimid burbur xoogan.

Gawaarida Ciidamada Amisom oo maraayay wadada dheer ee isku xirta Degmada Janaale iyo Deegaanka Buufow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa lala beegsaday qaraxaan.

Qaraxaan oo lagu sii diyaariyay wadada dhinaceeda ayaa wuxuu wax yeelo ka soo gaaray gaariga iyo Ciidankii kale ee la socday, inkastoo aan waxba laga garaneyn heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha guud ee Ciidamada Amisom ka soo gaaray qaraxaan.

Sidii caadada ahayd ayay Ciidamada Amisom isku gadaameyn baabuurkii qaraxa lala beegsaday, iyagoo ka soo saaray Ciidankii la socday, ee ku wax yeeloobay qaraxa loo dhigay.

Shacabka ku dhaqan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxay Saxaafada u sheegeen, in qaraxa uu ahaa mid weyn, sidoo kalana uu burburiyay gaarigii ay la socdeen Ciidamada Amisom.

Xilliyada qaarkood ayay Ciidamada Amisom ay weeraro kala kulmaan Ururka Al Shabaab, oo la dagaalan adag kula jira Ciidamada Midowga Afrika iyo weliba Dowladda Soomaaliya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.