Ciidan xoog leh oo weeraraaya Baardheere iyo Buurdhuubo, & Al Shabaab oo daafacyo qodatay

41

Itoobiyya

Ciidan xoog leh oo taabacsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxay qorsheynayaan inay weeraro ballaaran ku qaadaan Degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamada Dowladda Itoobiya, ayaa waxay soo gaba gabeeyeen qorshe ay ku weerari lahaayeen Degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu shaaca ka qaaday, inay weeraro ku yihiin Baardheere iyo Buurdhuubo.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay inay doonayaan inay argagaxisada ka saaraan goobaha ay kaga sugan tahay Gobolka Gedo oo dhan, isla-markaana ay nabad ku soo dabaalaan.

Hase ahaatee Ciidamada Al Shabaab ayaa waxay u muuqdaan kuwo doonaaya inay difaacdaan gacan ku heynta Degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo.

Al Shabaab ayaa waxay xilligaan inta badan Ciidamadeeda ay isugu geysay inta u dhaxeyso Degmooyinka Garbahaarey iyo Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.