Tarsan oo sheegay inay maqleen weeraro ismiidaamin ah oo lagu burburinaayo baalaha qoraxda ku shaqeeya

43

Tarsann

Tarsan ayaa wuxuu dhaleeceen kulul oo dhinaca afka ah uu u jeediyay Ururka Al Shabaab, kadib markii uu ku eedeeyay inay doonayaan inay isku qarxiyaan baalaha qoraxda ku shaqeeya.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood ayaa waxaa laga taagay baalooyin dhaadheer, kuwaa oo ku shaqeeya xilliyada habeenkii ah, kaarikada qoraxda ay ka qaataan.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa wuxuu sheegay in Al Shabaab ay diyaarisay mid ka mid ah Ciidamadeeda isqarxinta u qaabilsan.

Wuxuu sheegay in ninkaasi lagu wado in uu isku qarxiyo mid ka mid ah baalooyinka ku yaala Magaalada Muqdisho, ee cad cadeeda ku shaqeeya.

Tarsan ayaa wuxuu sheegay in Al Shabaab aysan wax macno leh ugu fadhin nolosha, sidoo kalana wuxuu sheegay inay ka soo horjeedaa bilicda, horumarka iyo ammaanka Magaalada Muqdisho.

Tarsan ayaa wuxuu Al Shabaab uu ku eedeeyay mid aan la garaneyn ujeedada ay ku dagaalameyso, balse shacabka Somaliyeed ayuu kula dardaarmay in Shabaab lala dagaalamo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.