SAWIRO:Midowga Ardayda Jaamacada Jubbada Sare Ee Baydhabo Oo Doortay Gudoomiye cusub+VIDEO

261

Baydhabo(INO) Waxaa Hoolka wayn ee Jaamacadda Jubbada Sare Ee Baydhabno lagu qabtay doorashda gudoomiyaha iyo xoghayaha  ee Midowga ardayda jaamacaadda Upper Jubba , Waxaana ka qayb galey,  Maamulka Jaamacadda iyo Gudoomiyihii hore ee Jaamcada Ahna Mudane Ka tirsan Baalamanka Federaalka Ee Somalia, Macalimiin iyo ardeyda wax ka barata Qaybahaka kala duwan ee Jamcadda UJU. Qabashada gudoonka midowga waxaa isku soo taagtay ilaa 5 arday oo kala dhigta kuliyadah kala duwan ee Jaamacada:

  • C/raxmaan Xasan Muxidiin (Ukow Yare)
  • Ibrahim Xasan Ibrahim
  • Maxamed Rufaaci Abuukar
  • Xuseen C/raxmaan Aden
  • Abuukar Cabdi Ibrahim

Halka Jagada xoghaya ay u tartameen:

  • Amino C/kariim Maxamed
  • Maryan Abuukar Axmed

Ugu horeyna waxaa sharaxay faa’iidada  uu leeyahay Dhismaha Midowga Ardeyd Jaamacada Upper Jubba Madaxa Waxbarashada iyo Arimaha Ardeyda  Xasan Ismaaciil Isaaq.

“Ujeedada ugu wayn ee laga leeyahay Gudida ardayda waxa weeyi in ardaygu ku barto khibradaha hogaamineed, Jaamacada Jubbada Sare waxa ay sanadkan qaban qaabisay in cidi matasho ardayda marka go’aanada iyo shirarka lagelayo”

Xafladan ayaa sidoo kale waxaa fadhiyay gudi loo xilsaaray inay hagaan sida ay doorashadu udhacayso tiiyoo markii ugu horaysana ardayda latusay sanduuqa lagu codaynaayo oo maran lana dhigay meel arday walba ka arki karo sanduuqa.

Sidoo kale waxaa meel gaara la fadhiisiyay ardaydii tartamaysay,  intaan lagalin codaynatana arday walba oo ka mid ah ardayda tartamaysa ayaa la siiyay 2 Daqiiqo inuu ku akhriyo ajandihiisa iyo waxa uu isleeyahay waad qabanaysaa.

Ugu dambayntiina waxaa ku dhawaaqayn gudidii doorashada Hogaaminaysay natiijadii doorashada iyo sidii loo kala guulaystay.

Waxaana ku guulaystay Gudoomiyaha ardayda Jaamacada Jubbada Sare ee Baydhabo Sanadkan aynu kujirno C/raxmaan Xasan Muxidiin (Ukow Yare), oo dhigta Kuliyada Xanaanada Xoolaha (College of Veterinary Medicine)  Halka Xoghayaha  ay  ku guulaystay  Maryan Abuukar Axmed oo dhigata Kuliyada Kalkaaliyaasha Caafimaadka( College of Nursing).

Doorashadana ayaa ahayd doorasho ardayda ka dhex abuurtay xamaasad ay ardaydu ugu kala tartamayeen sidoo ay codka ukala heli lahaayeen.

Gudoomiyihii hore Ee Jaamacada Idris Cabdi Takhtar Ahna Mudane Tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa ku tilmaamey Doorashada Gudoomiyaha iyo Xogahaya ardeyda mid Guul ah isla markaana waxa uu ardayda kula dardaamey inay sameeyaan  midnimo  iyo wada jir.

Idiris Cabdi Takhtar , Gudoomiyihii Hore ee Jaamacada Upper Jubba ayaa guubaabo iyo dardaaran usoo jeediyay gudoomiyaha ardayda  iyo Xoghayaha Ee Jaamcada Upper Jubba Ee Baydhabo.

Halkan Ka Daawo VIDEO+SAWIRO

Idale News Online, Baydhabo

You might also like More from author

Comments are closed.